Warka maanta ee Raadiyaha Sweden

Published: March 27, 2023, 2:01 p.m.

Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah

Ka dib hadal hayntii qiimaha cuntada oo cirka isku shareeray ayey shabakadaha shirkadaha qaarkood ey ku dhawaaqeen iney hoos u dhigeyaan qiimaha cunnada daruuriga ah.

Gubistii uu xagjirka Rasmus Paludan bishii janaayo ku gubay Quraanka safaaradda Turkiga horteeda, ma ay ahayn nacayb shacab lala beegsanayo, sida uu sheegay xeerilaaliye.

Waxbarashada dugsiga sare qaybaheeda dhismaha ee faraca mashiinnada dhismeyaasha oo ku dhowaad 70 boqolkiiba ardayda dhigatay ahaayeen kuwo shaqeeya sannad ka dib dhammaadkii waxbarashada.