Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

Published: Aug. 11, 2022, 2:30 p.m.

Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah

Dowladda Iswiidhen ayaa nin 35 jir ah u gacan gelinaysa xukuumadda Turkiga, sida ay dowladdu u xaqiijisay laanta idaacada Ekot. Qiimaha korontada oo aad u sarreeysa ayuu xisbiga V\xe4nsterpartiet uu hadda soo jeediyay fikir cusub oo la micno ah in sidii qiimaha hoos loogu dhigi lahaa dalka gudihiisa, halka korontada la dhoofiyo ay tahay in lagu sii iibiyo qiimaha suuqa, iyo wakhtigii sugitaanka baarsaboorrada cusub oo la fileyo inuu caadiyan ku soo noqdo bilaha oktoobar - noveembar.