Wararka maanta ee Raadiyah Iswiidhen

Published: June 25, 2024, 2:35 p.m.

Qiimaha cunnada ayaa ah mid si aad ah u kor ugu kacayo. Hanjabaadaha iyo tacaddiyada ka dhanka ah shaqaalaha asluubta iyo maxaabiista kale ayaa ku kordhay xaruunta daryeelka ama dhaqanceelinta dembiilayaasha ee Hall. Cilmi-baaraha Swedish-Iraniga ah, Ahmadreza Djalali ayaa maanta oo Arbaca ah ka bilaabaya mudaaharaad cuna-joojin ah gudaha xabsiga ku yaalla dalka Iran oo uu kaga soo horjeedo xukluumadda Sweden