Waraka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

Published: July 3, 2023, 2:54 p.m.

Wiil 16 jir ah oo lagu tuhunsan yahay dil oo mudo 10 bilood kor u dhaafeysa ku jira rummaan. Qaybtii ugu horeeeysay ee sannadkii 2022 ayey 34 qof u geeriyoodeen toogashooyin. Halka sannadkan 2023 ay illaa iyo hataan u geeriyeedoon toogashooyin 21 qof. Dhakhtar Khalif Bile ayaa ku raacsan hay'adda adeega caafimaadka ee Iswiidhen welwel ay ka muujisay kororka isticmaalka daawooyinka antibiotikada oo sababi karta u adkeysiga bakteeriyaddu u yeelaneyso daawooyinkaasi.