Maanta iyo wararka raadiyaha Iswiidhen

Published: Jan. 4, 2023, 3:57 p.m.

Maxkamadda degmada Blekinge oo maanta xukuntay nin 44 jir ah oo lagu eedyeyey xadgudubyo dagaal. Ninkan ayaa iska dheereeyay dembiga lagu soo oogay. Wakaaladda beeraha ayaa goaan ku gaartay in nafta laga jaro 165.000 digaag, kadib markii laga helay cudurka xiidmaha ku dhaca ee loo yaqaanno Salmonella. Maxkamadda degmada Malm\xf6 ayaa maanta xabsi ah ku xukuntay nin kale oo 43 jir ah ka dib markuu labba gabdhood oo uu dhalay oo aan qaangaaraheyn u safriyey dalka Suuriya.