Gar baan kuu dhiganayaa-Digfeer

Published: Sept. 7, 2022, 10:31 p.m.

b'Yassin Axmed Digfeer.
Dadkii kala gado qarsada
Waxbaa ka dhex guuxayee
Gar-baan kuu dhiganayaa

Gudoonkuna waa adigee
Gar-eex lama doonayee
Garawso waxaan ku dhaho

Nin gob ah ood gacal tihiin
Wiliba gacalooy ku jecel
Adoon ku maqneyn wax gara
Inuu gurigoo cidlo ah
Sidii GAAL-SHIRE fadhiyo
Miyaanu gartaa laheyn

Dar-daarankii waad gaftee
Adoo fasax gaaban tagey
Maxaa GOBLE kaaga xidhan
Ma geel-baa kuugu dhalay

-----------------------------------------

Adoon gurro iyo canaan
Adoon gacan iyo dil qabin
Adoon gaajiyo dhib arag

Anoo Guri kuu sharaxay
Gasiinkuna kuu dhex-yaal
Wiliba Gobanimiyo sharaf
Adiga guudkaaga sudhay
Wiliba gacalooy ku jecel
Adoon ku maqneyn wax gara
Inaan gurigoo cidlaa
Sidii GAAL-SHIRE fadhiyo
Miyaanan gartaa laheyn

Dardaarankii waad gaftee
Adoo fasax gaaban tagey
Maxaa GOBLE kaaga xidhan
Ma geelbaa kuugu dhalay.'