Halista Tahriibka iyo Qisada Maxamed X. Geeldoon

Published: Sept. 30, 2016, 1:06 p.m.

Maxamed Xuseen Geeldoon waa 27 sano jir, dhowr jeer isku dayey inuu u tahriibo Yurub balse ku guuldarraystay. Dhibaato, rafaad badan iyo sannado badan oo ka lumay cimirigiisa ka dib, waxaa uu dib ugu soo laabtay Somaliland isaga oo go’aansaday inuu dhalinyarada ka waaniyo halisaha tahriibka. Maxamed waxa taariikhdiisa tahriibka oo loogu magacdaray “ Carrada ayaan dhunkanay” ka qoray Machadka Caalamiga ah ee Dooxada Rift buuggaasi oo maanta la daabacay. Haddaba Sahra Ciidle Nuur ayuu uga warramay dhibaatada uu kala kulmay tahriibka. Source: http://www.voasomali.com/a/3531450.html?nocache=1